Ku dhawaad 80 ruux oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Ankara

by admin | Saturday, Oct 10, 2015

ankara-qarax-3Ankara : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa sheegaya in ku dhawaad 80 ruux ku dhinteen qaraxyo gil gilay magaalada Ankara ee dalkaa.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta Tareenada laga raaco, waxaana qaraxan uu dhacay xilli dadweyne fara badan ay dhigayeen banaan bax nabadeed.

Muuqaalo Telefishinada soo gudbinayeen ayaa muujinayay naxdin iyo dad dhulka yaala oo dhiig ku dhex jira.

ankara-qarax-2Dibadbaxa ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen ururada ganacsiga, waxaana lagaga codsanayay in dowladdu joojiso dagaalka ay kula jirto PKK.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxan, isagoo ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu bartilmaameedsaday midnimada iyo wadajirka dadka.

Saraakiisha ammaanka ayaa baaraya wararka sheegaya in mid ka mid ah qaraxyada inuu ahaa qof isa soo miidaamiyay oo dhex galay dadkii banaan baxa nabadeed dhigayay.

Dowladda Turkiga ayaa dagaal kula jirta Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay qaadayeen weeraro goobaha ay ku sugan yihiin kooxahaas.

ankara-qarax-1ankara-qarax-4ankara-qarax-6ankara-qarax-5Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!