KU DHOWAAD 80 ARDAY OO SOMAALI AH OO KU QALIN JEBISAY JAAMACAD KU TAALO KAMPALA.

by admin | Friday, Nov 9, 2012

 HN:Kampala. Jaamacada St LawrenceUuniversity ee  ku taalo Magaalada kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa manta ka dhacay xaflad qalinjebin ah oo ay ku qalinjebinayeen arday gaaarayso 700 oo arday.

Ardaydan ka qalinjebisay Jaamacadan ayaa waxaa ku jiray 79 Arday oo Soomaali ah oo iskugu jiray heerarka waxbarasho ee kala duwan, Ardaydan Somaaliyeed ayaa waxay ka qalin jebiyeen kuliyadaha maaraynta Ganacsiga, Humanities, Information Technology, Siyaasada, cilmiga bulshada iyo Dhaqaalaha.

Ardaydan ayaa wejiyadooda waxaa laga dareemayay farxad aad uwayn oo ku aadan qalinjebintooda iyo inay arkaan dadaalkoodii wax barasho oo meel fiican maraya.

Hadaba waakan mid  ka mid ah Ardayda maanta u debaal degeysay qalin jabintooda oo u waramay warbaahinta Hiiraannet wuxuu ku bilaabay magaciisa iyo sida uu ugu faraxsanyahay inuu manta qalinjebintiisa uu goobjoog ku ahaado.

“ Magacaygu waa Mumin Osman Mohamed, waxaan ka qalinjebiyay Jaamacada St Lawrence University waxaana ku taqasusay maadada Maaraynta ganacsiga, manta waxay iitahay farxad aad uwayn in seddex sano ka dib manta aan gudoomo Shahaadadaydii Bachelorta aana isla dhamayno asxaabtaydii aan isla bilowday jaamacada insha’allah waxaan rajaynayaa inaan wadankeena ku hormarino dadkeenana wax ugu qabano.

Jawiga goobta ay ka dheceysay xafladni qalin jabitan ah ayaa waxaa ay ku soo idlaatay heer sare iyadoo dhamaan qeybaha kala duwan ee ka qalin jabineysay Jamacada ay maanta u aheyd maalin farxadeed oo ay sugayeen in mudo ah sida ay ku gaari lahaayeen heerkani.

 

WQ: Hodan Abdi

hodan669@gmail.com

kampala-Uganda

 

Like it? Share it!