Ku-simaha ra’iisal wasaaraha oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo isbitaalka Digfeer

by admin | Friday, Feb 20, 2015

CarteMuqdisho : HN :- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa ka mid noqday mas’uuliyiintii dowladda ee maanta ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ee hoteelka Central.

Xildhibaan Yaasiin Bucul oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu dhaawac ka qabo dhinaca lugaha islamarkaana xaaladiisa lagu baxnaaninayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

”Ra’iisal wasaaraha markii hore waxaa uu ku tukan jiray xarunta madaxtooyada laakiin maanta Alle amarkii waxaa uu ka mid noqday mas’uuliyiintii salaada Jimcaha ku tukatay hoteelka Central, markii uu qaraxa dhacay ayaa arkay isaga oo dhulka yaalla isbitaalka ayaan u soo qaadnay haddana waa uu wanaagsan yahay ayuu yiri” xildhibaannka.

Siddoo kala waxaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho laga daweynayaa wasiirka duulista hawada dowladda Soomaaliya Axmed Jaamac Jangali oo ka mid noqday mas’uuliyiinta ku dhaawacatay weerarkii maanta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!