Ku-simaha taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo ka digay in dadka la qalqal galiyo

by wadani | Monday, Nov 13, 2017

Muqdisho : HN :-Taliyaha KMG ah ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay in dadka Shacabka ah been loo sheego,islamarkaana amnigooda la qalqalgeliyo, waxaana uu been abuur ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in gaadiid qaraxyo sida ay ku jiraan magaalada Muqdisho.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in aan la aqbali doonin waxkaste oo amniga dadka Shacabka ah wax u dhimaaya..

“Waxaa maalmahan soo noq-noqonayay kalmado ah in gaadiid qaraxyo ay magaalada ku jiraan, warkaas waa waxba kama jiraan, waxaa shacabka ka codsanayaa in hey’adaha ammaanka ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga lid ku ah iyo hadii ay wax arkaan”ayuu yiri Kusimaha Taliyaha Booliska.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka” ayuu hadalkaasi kusii daray Jen Mukhtaar.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!