Ku-simaha wasaarada gaashaadhiga oo gaaray Tiyeegloow

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Bakool : HN :– Ku-simaha xilka wasiirka gaashaandhiga xukuumadii kalsoonida lagala noqday Max’ed Sheekh Xamud ayaa maanta gaaray degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay Tababar ugu soo xireen boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka.

Xubnaha wafdiga wehlinayay wasiirrka ayaa markii ay gaareen Tiyeegloow waxay kulamo la qaateen Maamulka degmada, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo kala hadlay arrimaha ammaanka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxay muddo afar bilood lagu tababarayay degmada Tiyeeglow, waxaana ciidamada ka qeyb qaadan doonaan sugida howlaha amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ciidamada u qeybiyay qalabkii ay ku howl geli lahaayeen, gaar ahaan qoryaha AK47 iyoXamid agabyo kala duwan, waxaana uu ku amaanay sida ay ciidamadan ugu dhabar adeegeen intii ay tababarka ku guda jireen.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Tiyeeglow Cali Cabdinuur Iimaan ayaa sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay gaarayeen ilaa afar boqol askari, oo qeyb ka noqonaya ciidanka xooga dalka ee ku sugan degmada Tiyeeglow.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay qorsheyneyso in sanadkan inta aanu dhamaan Al-Shabaab ka saari doonto deegaanada gobolada dalka, inkastoo Kooxdu wali ka taliso deegaano badan oo ku yaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!