Ku-xigeenka ergeyga QM ee Soomaaliya oo la magacaabay

by admin | Friday, Jun 19, 2015

New York : HN :–Peter de Clercq, ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki- moon u magacaabay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaas oo lagu badalay Philippe Lazzarini oo hayay xilkaas.

Mr Peter oo u dhashay dalka  Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay u kala qaabilsan isku dubaridka gargaarka bani’aadminimo iyo horumarinta barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay  warbixinta ka soo baxday xafiiska Ban Ki-Moon,Mr. Lazzarini oo u dhashay dalka Switzerland ayaa looPeter-de-Clercq magacaabay xiriiriyaha xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Lebanon.

Xoghayaha guud ayaa Philippe Lazzarini ugu mahadceliyay shaqadii uu ka hayay Soomaaliya mudadii uu xilka hayay.

Mr. de Clercq ayaa waxaa uu inta muddo ah ka shaqeynayay hey’adaha Qaramada Midoobay,isagoo ka soo shaqeeyay dalal uu kamid yahay Suudaan, waxaa uu 27 sano u shaqeynaayay laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Bishii Maay ee sanadkan ayaa sidoo kale waxaa waqtiga loo kordhiyay xafiiks caawimaada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo la siiyay sadex libood oo dalka ay siin doonaan taageero key aadan dib u soo kabashada guud ahaan Soomaaliya.

Hiiraan Net.

WhatsAppShare

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!