Kufsiga: Dhibaato Dan laga leeyahay!!‏ W/Q: SH:Calinuur Xoogsade

by Yahye | Friday, Mar 29, 2013

Kufsiga-sawirWaxaa Dad badan maqlaan waayahan Dacaayado laga fidiyo Shacabka Soomaliyeed ayadoo  marba si abaabulan loogu halqabsado dhibaato gaar ah ha jirto dhibaatadaas ama yeysan jirine ayadoo la buunbuuniyo hadiiba ay wax ka jiraan ama la been abuuro dhibaato aanba jirin  asal ahaan ilaa Dadku ka rumeystaan dhibkaas warkiisu batay inuu run yahayna moodaan.

Waxaa ugu dambeeyay markii ay Warbaahinta noocyadeeda kala duwan iyo Heyado la sheegay Xuquuqda Dumarka amaba Insaanka inay u doodaan ay buunbuuniyeen Kufsi inuu ku baahsan yahay Soomaliya gaar ahaan Xerooyinka Barkacayaashawalow aysan dhabtu sidaas aheyn warkuna uu yahay war been ah oo aan laheyn Cadeyn iyo Tiro koobyo sax ah, waxaase la hubaa kaliya in mowduuca Kufsiga  uu noqday mid Shaqo abuurasho iyo Qaraabashoba ugu filan labada dhinac ee aan soo sheegnay.
Soomaliya waa Dal ay Dagaan Dad Muslimiin ah lehna dhaqan aad u wanaagsan Dumarkana aad u xaq dhowra walow gafna uu ka dhici karo sidaba Caalamka oo dhan Xadgudubyada iyo Gafafka kala duwan uga dhacaan, waxaase muuqata in ula jeedada Buubnbuuninta Kufsiga xiligaan la joogaa tahay Shaqo abuurasho Dad dano gaar ah leh iyo Heyado howl la aan ku raagtay waqti dheer si ay ugu beer jilicsadaan Heyadaha Xuquuqda Aadanaha inay Caalamka u qaabilsan yihiin loo yaqaantaageero dhaqaalena ugu helaan Barnaamijka lagu sheegay ka hortaga Kufsiga iyo Xadgudka Dumarka loo geesto.
Waxaa dad badan u qaateen Markii ay arkeen halka wax kusii socdaan in Hayadaha iyo Warbaahinta buunbuuniya Kufsiga dantooda ugu weyn tahay in ay Bulshada ku faafiyaan Faxishada Zinada iyo Kufsiga maadaama ay ka badbadinayaan ayagoo meel walba oo Magaalada Muqdisho ka mid ah ku xardhay Boorar lagu Xayeesiinayo Kufsiga, walow ay Hey’adahan sheegtaan in sababta Boorarka ay Maglaada ugu Xardheen tahay in ay Dadka ka wacyi galinayaaan Kufsiga.
Sidaasna inay suuragal tahay waxaa la ogyahay Dunida waxaa ka jira dhaqan ay yaqaanan Wadamada leh Shirikadaha Daawada soo saara si ay Daawooyin lacago fara badan ugu soo galaan loo helaa waxa ay abuuuraan Cuduro aan horay u jirin amaba faafiyaan Cuduro waa hore dabar go’ay si ay Daawadooda ugu gatanto dhaqaale badana ugu helaan.
Hadaba xataa hadii ay sax ahaan laheyd in ay Heyadahan iyo Warbaahinta Kufsiga Dadka ka wacyi galinayaan amaba Zinada guud ahaan ma ahayn in Wadooyinka lagu xardho Boorar Quruxsan oo Qarash badana lagu bixiyay; maxaa yeelay waxaa uu qofka caadiga u qaadan karaa Xayeesiin Kufsiga loo samaynayo  iyo ku dhiiri galin falkaas in loola jeedo quruxda Boorka ka muuqata awgeed.
Dhanka kalana Mushkilada Kufsiga waa mid aad ugu faafsan Umadaha aan Muslimiinta aheyn oo ay ugu horeeyaan Wadama Reer-Galbeedka walow laga yaabo Warbaahinteena iyo Heyadaha Soomaliya ka dhisan War inaysan ka leheyn amaba is moogeysiinayaan ayagoo Dadkeenana ka dhiga sidii inay yihiin oo kale Dad Diin ahaan ama dhaqan liita…
 Waxaa xasuusin mudan in Bulshada Soomaaliyeed ay soo martay 22 Sano oo xanuun badan aanan weligeed sidaan oo kale loo maqal Kufsi ka dhex dhacay mana jirto sabab Maanta oo dhibaatadii lagasoo kabsaday  loogu owr kacsadaa looguna qaraabtaa Dacaayado raqiis ah meel ka dhacna ku ah Sharafta Umadeena iyo Dhaqankeedii Suubanaa.
Sidaa darteed waxaan ku waaninayaa kuwa Maslaxada ka dhex arkay inay ku qaraab raadsadaan Been ka sheegida Umadooda ee Jecel inay Xumaanta ku dhexfaafto Dadka Muslimiinta ah inuu illaahay Cadaab ugu goodiyay kuwa sidaas ka caada yeesha ee aan ka Towbad keenin sida ku cad Suurada Al-Nuur Aayadeeda 19aad, waxaanan leeyahay ka Toowbad keena dembigaas una tura Diintiina, Dalkiina iyo Dadkiina.
W/Q: SH:Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!