Kulamo adag oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka jiray xarunta madaxtooyada

by admin | Friday, Nov 28, 2014

Muqdisho : HN :– Iyadoo loo balansan yahay maalinta Axada ah ee nagu soo foolka leh taariikhduna ku beegan tahay 30-ka November fadhigii baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soconayay kulamo adag oo lahayeen mas’uuliyiinta ugu sareysa Qaranka iyo xildhibaannada iska soo horjeeda.

Xafiiska madaxweynaha ayaa xusul duub adag ugu jira siddii uu uga dhaadhicin lahaa xildhibaannada taageersan RW Cabdiwali ka tanaasulida mowqifkooda adag oo ay ku diidan yihiin mooshinka ka dhanka ah RW iyo in maalinta Axada ah uu si nabad ah u qabsoomo kulanka baarlamaanka.

Laakiin xog hoose oo soo baxeysa ayaa sheegaya in xildhibaannada taageersan ra’iisal wasaaraha ku wargaliyeen madaxweynaha haddii la doonayo in ay sii socdaan kulamadii baarlamaanka loo baahan yahay marka hore in meel leyska dhigo mooshinka oo ay arkaan mid sharci darro ah, wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya ra’iisal wasaraahana lagu xaliyo hab ka baxsan baarlamaanka.

Laakiin madaxweyne Xassan Sheekh oo wali ku adkeysanaya in aysan wadda shaqeyn karin isaga iyo ra’iisal wasaaraha ayaa kuXassanShiikh_Xildhibaano6 wargaliyay xildhibaannada in lagama maar-maan tahay in baarlamaanka dhaxdiisa lagu xaliyo khilaafka, kaasoo micnihiisu yahay in kalsoonida lagala noqdo ra’iisal wasaaraha.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay hor taallo labo darran mid dooro ayaa ku jahwareersan sidda xaalku noqon doono maalinta Axada ah marka leysugu tago xarunta gollaha shacabka, waxaana soo food saaray ayaa la leeyahay guddoomiye Jawaari culeys uga imanaya dhinaca madaxtooyada oo xoogga ku saaraya guddoomiyaha in maalinta Axada ah uu guda-gallo dooda mooshinka, halka dhinaca kalana xildhibaannada mooshinka ka soo horjeeda ku war-galiyeen guddoonka in uusan fadhiga isku soo haleynin haddiiba laga doodayo mooshin.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo xirtiisa ayaa hadda u muuqda kuwo xaalku ku xun yahay madaama khilaafka u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya haddii uu sii jiitamo lagaba yaabo bur bur ku dhaca baarlamaanka Soomaaliya, taasoo macnaheedu noqonayo dhaawac weyn oo soo gaaray dowladnimadii Qaranimadii Soomaaliya.

Ra’iisl wasaare C/wali oo dhinaciisa u muuqda shaqsi difaac adag heysta ayaa u muuqda mid hadba sheeda kore ka daawanaya dhaq-dhaqaaqa taageerayaasha madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana laga soo warayin in marnaba uusan diyaar u aheyn in uu is casillo.

Dadka sidda weyn u odorasa siyaasada iyo heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka jira ayaa qaba in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uusan awood u laheyn meel-marinta go’aankii dhawaan uu soo saaray ee ahaa in aan laga doodi doonin maalinta Axada ah mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha sababo la xiriira culeys uga imanaya dhinaca taageerayaasha madaxweynaha.

Marka uu furmo fadhiga baarlamaanka maalinta Axada ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka waxaa ay uga fadhiyaan guddoomiyaha baarlamaanka in uu meel-mariyo go’aankiisii ahaa in aan laga doodi doonin mooshinka, halka xildhibaannada mooshinka waddana isku diyaarinayaan in la guda-gallo ka doodista mooshinka, taasoo sadaal ka sii bixin karta sidda wax u dhici karaa maalinta Axada ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!