Kulamo xasaasi ah oo ka soconaya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Xaalada ayaa sii kululaatay kaddib markii uu madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud si aan leex leexad laheyn uga hor yimid isku shaandheyntii koobneyd ee uu ra’iisal wasaare C/wali ku sameeyay qaar ka mid ah xubnihiisa gollaha wasiirrada, ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa uu kulamo gooni gooni ah ka soconayay xafiisyada labada mas’uul oo hadda khilaafkoodu dibada u soo baxay.

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa la leeyahay waxaa uu midba gaar kulamo ula leeyahay taageerayaashiisa iyo ragga dhinaca siyaasada kala taliya, waxaana soo baxaya warar sheegaya in xubno badan oo ka tirsan gollaha wasiirrada siweyn uga caroodeen is hortaagii madaxweynaha uu ku sameeyay tallaabadii uu qaaday ra’iisal wasaaraha.

Il xog-ogaal ah ayaa sheegaya in saacadaha soo socda laga yaabo in xafiiska ra’iisal wasaare C/wali laga soo saaro warsaxaafadeed ka soo horjeeda kii uu madaxweynaha soo saaray laguna difaaacayo go’aanka uu qaatay ra’iisal wasaaraha.

Dadbadan ayaa qaba in durbaba madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo taageerayaashiisa guda-galleen qorshayaal la doonayo inlabadooda meesha looga saaro ra’iisal wasaare C/wali iyaga oo u sii maraya dhinaca gollaha baarlamaanka.

Laakiin dhinaca kale, lama hubo sidda ay markan madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo ragga gacantiisa midig ah uga dhaadhicin karaa xildhibaannada in ay ridaan ra’iisal wasaaraha iyadoo la og-yahay tallaabadii horay looga qaaday ra’iisal wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo xildhibaanno badan u arkayeen in uu ahaa go’aan lagu deg degay oo laga soo abaabulay xafiiska madaxweynaha.

Ra’iisal wasaaraha laftirkiisa ayaa la leeyahay waxaa uu diyaar-garoow xoogan ugu jiraan siddii uu isaga difaaci lahaa haddii taageerayaasha madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud isku dayaan mooshin isaga ka dhan ah in ay geeyaan baarlamaanka, isaga oo kaashanaya xubnaha gollaha wasiirrada ee saaxiibadiisa ah oo intooda badan xildhibaanno ah iyo waliba mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo swieyn ula dhacsan siyaasadiisa ku aadan godoominta madaxweynaha iyada la bartilmaameedsanayo taageerayaashiisa gaarka ah.

Warbaahinta ayaa si dhaw ula socta hadba xaalada xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo waqtiga la ciirciireysa kulamo siyaasadeed.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!