Kulan adag oo caawa dhaxmaraya kooxaha Barcelona iyo Real Madrid

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Muqdisho : HN :–Cayaar siweyn loo wadda sugayo oo qeyb ka  El Clasico ayaa waxaa caawa isaga hor imaan doona Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, iyadoo kulankan uu yahay mid si aad ah isha loogu haayo, Adduunka oo dhana laga xiiseynayo.

Barcelona oo hogaanka ku heysa hal dhibic ayaa waxay garoonkeeda Camp Nou ku marti gelin doonta kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Xiisadaha cayaarta marka laga soo tago waxaa dha-dhan u sii yeelaya oo isha lagu wadda hayaa xidigaha uu ka dhaxeeyo loolanka kubadeed ee labada kooxood u ciyaara, laguna tilmaamo xidigaha ugu wanaagsan dunida.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ahaa labada xidig ee lixdii sano ee u dambeysay loolanka uu ka dhaxeeyay tartanka Ballon D’orEl-Clasico ayaa labadaba si gaar ah isha loogu hayaa xirfadooda kubadeed ee ay caawa soo bandhigi doonaan, inkastoo Ronaldo uu waxoogaa dib u dhac badan uu ku yimid todobaadyadii u dambeeyay.

Ciyaaryahan Messi ayaa qaab ciyaareed wanaagsan la soo baxay kulamadii u dambeeyay, waxaana uu dhowaan hogaanka gool dhalinta uu kala wareegay Ronaldo oo in muddo ah gool badan ku hogaaminayay Horyaalka Spain.

Muhiimada kulankan uu leeyahay ayaa ah in hadii Real Madrid adkaato inay hogaanka dib ula wareegi doonto, maadaama dhibic kaliya laga sareeyo, sidoo kale Barcelona ayaa iyana faa’ido weyn u ah hadii ay badiso, waayo waxay hogaanka ku qabaneysaa afar dhibcood oo nadiif ah.

Sidaas darteed labada tababare ee leyliya labada kooxood waa Luis Enrique iyo Carlo Angelotti waxay ku soo tala geli doonaan qaab ciyaareed aad u adag iyo shax ka duwan midba midka kale inuu buqunta gooyo marka caawa la soo galo garoonka.

Hadaba labada kooxood ayaa laga yaabaa in qaab ciyaareedkan ay ku soo galaan caawa, Bravo; Alves, Pique, Mathieu, Alba, Mascherano, Iniesta, Rakitic; Neymar, Messi, Suarez, Madrid: Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Isco; Bale, Benzema, Ronaldo

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!