Kulan ay yeellan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka oo mooshin la ‘aan u baaqday

by admin | Monday, Jun 1, 2015

Muqdisho : HN :–Kulankii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay cod ugu qaadayeen lahaayeen mooshin ka dhan ah baarlamaanka Jubbaland ayaa kooram la’aan u baaqday.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in kulanka uu sabab kooram la’aan ah u baaqday, iyadoo xildhibaannadii Kulanka soo xaadiray maanta ay dhammaan waayeen tiradii lagu fuli lahaa kulanka.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar ayaa intii uusan kulanku furmayMPs-vote-to-swear-in-the-20-MP-whose-legitimacy-were-still-questioned-but-later-sweared-in-in-Somalia-last-week dalbaday in la tiriyo Xildhibaanadii ku sugan golaha Shacabka, balse markii tiradu ay dhammaan waayeen intii uu Kooramku ku Furmi lahaa ku wargeliyay xildhibaannada inaanu kulanka baarlamaanka furmi karin.

Waa markii Saddexaad oo codeynta Mooshinka ka dhanka ah Baarlamanka Jubbaland uu u baaqanayo kooram la’aan, iyadoo Xildhibaannada mooshinka keenay ay eedda Baaqashada codeynta mooshinka mas’uuliyadeedda dusha uga tureen madaxda Dowladda Somalia.

Illaa hadda lama oga xilliga mooshinkaan Codka loo Qaadi doono; iyadoo codeyntanina ay kusoo beegmayso xilli Xukuumadda Somalia ay dhawaan dalbatay in la hakiyo si arrinta si hoose loogu xalliyo.

Ugu dambeyn, maamulka Jubbaland ayaa sheegay in haddii mooshinka laga hortegi waayo ay iyaguna xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo walaac gelisay madaxda dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!