Kulan ku saabsan badbaada duulimaadyada Soomaaliya oo la qabtay

by wadani | Friday, Dec 23, 2016

Muqdisho : HN :- Shir ay iskugu yimaadeen Madaxda Garoomada Somaaliya ayaa ka dhacay xafiiska weyn ee hay’adda socdaalka iyo saadaasha hawada Soomaaliya ee kuyaala garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ahaa mid muhiimad gaar ah lahaa ayaa looga hadlay xoojinta amaanka iyo badbaadada rikaabka raaca duulimaadyada u kala goosha gudaha iyo dibadda.

Maareeyaha Saadaasha Hawada Soomaaliya Captan Cabdiwaaxid Cumar oo shirka u furay dhamaan maareeyaasha garoomada Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray shirka sidii xilligan ay muhiim u tahay xaqiijinta amniga iyo badbaadadadadka rikaabka ah xilli ay guud ahaan dunida oo dhan hadda aad isha loogu haayo duulimaadyada.

Dhamaan dhinacyada shirka iskugu yimid ayaa diiradda saaray sida loo hubiyo aqoonsiyada iyo dhamaan dukumintayada dadka safraya si loo helo raad raaca wanaagsan loona xaqiijiyo dhamaan rikaabka raacaya diyaaradaha

Maareeyaasha shirka ka dhacay magaalada Muqdisho kasoo qayb galay waxaa ka mid ahaa maareeyaha garoonka Diyaaradaha magaalooyinka Gaalkacyo,Kismaayo,Boosaaso,Beledweyn,Jowhar iyo Bydhabo.

Dhamaadka shirka waxaa maareeyaha guud ee saadaasha hawada uu qalbka wax lagu hago uu guddoonsiiyay madaxda garoomada ee shirka ka soo qaybgalay waxa uuna ugu baaqay sida ay u dardargelin lahaayeen labada qodob ee shirka xoogga lagu saaray ee ah Amniga iyo Badbaada Save and security.

Shirkan ay isugu yimaadeen maareeyaasha garoomada Soomaaliya ayaa noqonaya 25-sano ka dib shirkii ugu horeeyay oo ay ku yeeshaan Muqdisho



Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!