Kulan lagu hishiisiinayay labo beellood oo maanta ka dhacay Beledweyne

by wadani | Wednesday, Nov 23, 2016

Beledweyne : HN :- Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan lagu dhax dhaxaadinayay beello ku dagaalmay dulleedka magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mamulka heer gobol iyo degmo,waxgaradka gobolka Hiiraan,Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka jabuuti.

Xalinta khilaafka ka dhexeya labada beelloode oo muddo dheer soo jitamayay ayaa loo saaray guddi ka kooban waxgaradka ka soo kala jeeda beellaha dega gobolka kuwaaso looga fadhiyo in xal rasmi ah ay ka gaaran colaad ka dhexeysa beellaha jajeele iyo gaaljecel.

Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa dhinacyada diritu ka dhaxeyso ugu baaqay in ay nabada qaataan islamarkana ay heshiis ka gaaran colaad soo laa laabtay ee ka dhaxeysa labada dhinac.

1 2 4 5 6 7 IMG_0023 kulan dhax dhaxaadin  BaladweyneIMG_0095

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!