Kulan looga hadlayay wax ka qabashada gudniinka fircooniga oo lagu qabtay Muqdisho

by admin | Monday, Dec 1, 2014

Muqdisho : HN :– Wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan looga arrinsanayay siyaasadda ku aadan wax ka qabashada dhibaatada gudniinka firnoociga uu u leeyahay dumarka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ku dhowaad 100 qof oo isugu jiray qey-baha kala duwan ee bulshada, iyadoo wasaaradda ay dhegeysatay afkaarta ka soo qeyb galayaasha oo dhammaantood isku raacay in gudniinka fircooniga uu dhibaato u leeyahay bulshada.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsanty baarlamaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka kasoo qeyb gashay, ayaa ka sheekeysay qorshaha wasaaradda ee wax ka qabashada gudniina fircooniga, iyadoo sheegtay in heerka gudniinka fircooniga ee Soomaaliya lagu qiyaasay 98%,waxaana wasiirka ay xustay in haweenka looguday gudniinka fircooniga da’dooda ay u dhaxaysay 15-49 sano jir.

Dhinaca kale, wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqda aadanaha ayaa isla maanta Agaasimaha ololaha ciribtirka gudniinka fircooniga u magacowday Drs. Mina Xasan Maxamed oo horay u aheyd xiriiriyaha wasaaradda haweenka.

Kulanka ayaa socon doonna muddo 2 cisho ah, waxaana maalinta berri ah laga doodi doonnaa sidii loo dhamaystiri lahaa wax ka qabashada dhibaatada gudniinka fircooniga.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!