Kulan looga hadllayay amaanka oo ka dhacay magaalada Jowhar

by Somali | Thursday, Dec 13, 2012 | 18 views

Jowhar : HN :  Magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe oo sadax cisho ka hor soo gashay gacanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa waxaa kulan ku yeeshay saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen waxgaradka degmada Jowhar ayaa waxaa lagu soo qaaday sidii leysaga kaashan lahaa amniga magaalada Jowhar, islamarkaana xiriir dhaw oo wada shaqeyn ah u yeelan laahayeen bulshada iyo ciidamada nabad-galyada ku howlan.

Taliyaha gaaska koowaad ee dowladda Soomaaliya Jen C/llaahi Caanood ayaa sheegay in ay isla fahmeen bulshada magaalada dhamaan qodobadii ay ka wada hadlleen ee amniga la xiriira, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo hergalin doono.

‘’Annaga waxaan ka codsanayay qeybihii bulshada ee aan is aragnay in ay amniga nagu gacan siiyaan, noo tilmaamaan kuwa nabada wax u dhimaya ee wali laga yaabo in ay magaalada ku dhuumaaleysanayaan, ayuu yiri,’’ Jen Caanood oo intaa ku darray in ay ku faraxsan yihiin sida ay bulshada Jowhar diyaarka ugu tahay ka shaqeynta nabad-galyada.

Tan iyo markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada socda gudaha u galeen magaalada Jowhar, waxaa halkaa ka dhacayay qaraxyo khasaare geystay, iyadoo dhinaca kalana ciidamada dowladda wadeen howlgalo amniga lagu sugayo.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!