Kulan looga hadllayay ammniga oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Muqdisho : HN :–Shir looga hadllayay nabad-galyada magaalada caasimada ah ee Muqdisho aya waxaa xalay ku yeeshay xarunta nabad-sugida Qaranka saraakiisha laamaha ammniga dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Shirkan amni ayaa waxaa ka qayb-galay, wasiirka arrimaha gudaha ee xilka ka dagaya, wasiirka gaashaandhiga ee iska xilka banneynaya, saraakiil ka tirsan AMISOM iyo saraakiisha hay’adaha amniga ee dowladda, waxaana la iska xog-wareysanayay xaaladaha ammaan ee dalka iyo tan Muqdisho.

Saraakiisha shirka ka qeyb-gashay ayaa ku ammaanay ciidamada nabadsugidda howl-gallada ay kawadaan Muqdisho si ammaanka loo xoojiyo, iyagoo sidoo kale ku boorriyay ciidamada amniga dowladda inay xoojiyaan howlgallada lagu sugayo amniga.

Afhayeenka wasaarada amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in kulankan uu ahaa mid amniga looga hadlayay,muqdisho (1) isagoo xusay in ciidamada sirdoonka Qaranka ay howlgallo lagu qab-qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay Muqdisho, isla markaana bur-buriyay shabakado uu sheegay inay doonayeen inay weerarro ka fuliyaan Muqdisho.

Taliyaha ciidamada nabad-sugidda Qaranka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dar-dar-gelinayaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab inta ammaanka shacabka laga xaqiijinayo, isla markaana ay ciidamadu habeen iyo maalin shaqeynayaan.

Si kasta ha ahaatee, kulankii xalay ayaa ka mid ah kulamo ammaanka looga hadlayo oo hay’adaha ammaanka dowladdu ay ku yeelanayeen muddooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!