Kulan looga soo horjeedo magacaabista guddiga farsamada oo ka dhacay Beledweyne

by admin | Wednesday, Nov 4, 2015

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

Beledweyne : HN :– Waxaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne kulan ay ka qeyb-galleen  odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, qurbo joog, dhalinyarro iyo haween ka tirsan qaar ka mid ah beelaha dega gobolka, kaa oo loo soo horjeeday magacaabista guddiga farsamada.

Nabadoon Max’ed Sheekh Aadan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud, ra’iisal wasaare Sharma’arke iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya tuhusan yihiin in ay wax badan ka og-yihiin habka ay u dhacday magacaabista, taa oo aan marnaba ayuu sheegay u faa’ideyn doonin dhismaha maamulka labada gobol.

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

Guddoomiyaha qurba joogta gobolka Hiiraan Towane Sabriye oo bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muddo ka badan 7 bilood magaalada Beledweyne fidsan tahay gogol dib-u-hishiisiin ah oo aysan wax taageero ah ku bixin dowladda federaalka.

Ugu danbeyntii kulanka oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo ay waddajir u yeeshaan waxgaradka beellaha ku dhaqan gobolka tan iyo markii lagu dhawaaqay gudiga farsamada, ayaa waxaa loogu baaqay wasiirrada iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobolka ee ka tirsan dowladda dhexe in ay ka soo qeyb-gallaan kulan wadda-tashi ah oo ka furmaya Beledweyne.

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!