Kulan lagu dalbaday sii deynta Col Cukaashe oo ka dhacay Beledweyne, SAWIRO

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Beledweyne : HN :–Kulanka oo ay ka qeyb -galleen mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed, dhallinyaro iyo xubno ka tirsan ururka haweenka ayeey uga hadlleen xari ay ku tilmaameen in uu sharci darro yahay oo lagu hayo Col Cismaan Cilmi Guure Cukaashe.

Nabadoon Max’ed Sheekh Aadan oo ka mid ahaa odayaashii ka hadllay kulanka ayaa ku eedeyay dowladda gaar ahaan laamaha cadaallada in aysan wax ka qaban arrintan, madaama Col Cukaasha mudo ka badan lix bilood xirran yahay iyada oo aan la soo taagin wax maxkamad ah.

Cukaashe8”Baaqan aan jeedineyno waa mid ku socday mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda iyo laamaha garsoorka intaba, waxaan leenahay qofka danbiile waa uu noqon karaa, laakiin waa in danbiga loo heysto maxkamad ku cadeysaa, wax la aqbali karro ma’aha in qof uu iska xirnaado waqti intaa la eg, iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin, mas’uuliyiinta dowladda iyo laamaha garsoorka waxaan leenahay waa in sidda ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga sii daayaa Col Cukaashe, haddii uu shaqsi u xirran yahay oo ay dowladda ka warqabin xariggiisana la caddeeyaa,” ayuu yiri nabaddoon Max’ed Sheekh Aadan.

Nabadoon Faarax Raagge oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka hadllay ayaa dhinaciisa wax laga xumaado ku tilmaamay wax uu ugu yaaran cadaallad darrada ka dhax jirta dowladda, isaga oo sheegay in xarriga Col. Cukaashe yahay xadgudub shaqsi ah iyo ku tumasho awoodeed.

”Qofka dabcan marka ay maxkamad xukun ku rido xarigiisa waa wax la fahmi karo, laakiin waxaan oran karnaa waa xadgudub shaqsi ah iyo ku tumasho awoodeed in qof meel leysaga hayo mudo sanad ku dhaw, isagoo aan ogeyn sababta loo heysto iyo cidda xukunkaa ku ridday ayuu yiri” nabadoon Faarax Raagge.

Col. Cukaashe ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu gabay ku weeraray taliska sare ee ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah mas’uuliyiintii kulanka ka hadllay ayaa sheegay in qofka af-gaartiisa iyo aragtisiisa shaqsiga ku cabri karo suugaan, isla markaana uusan garaneynin sababta taa lafirkeeda ay danbi ku noqon karto.

Maryan Cilmi oo ka mid aheyd haweenkii ka qeyb-gallay kulanka ayaa sheegtay in laamaha cadallada dowladda looga fadhiyo in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan tallaabo uga qaadaan xariga Col Cukaashe oo ka mid ah ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hiiraan net.

 

Cukaash

Cukaash2

Cukaash1

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!