Kulan wadda-tashi ah oo ka furmay magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Dec 8, 2014

Beledweyne : HN :– Kulan wada-tashi ah oo wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Somalia ay soo qaban-qaabisay, fulintiisana ay iska kaasha-nayaan hay’addaha CRD iyo UNDP, ayaa uga furmay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka.

Madaxa hay’adda CRD ee gobolka Hiiraan Xassan Cismaan Xuuriye  ayaa sheegay in kulankan ay ka qeyb-qaadanayaan ergo dhan ilaa 150 isugu jira mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka iyo xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada sidda culima’udiinka, odayaasha, aqoonyahannada, dhalinyarrada iyo haweeenka.

Ujeeddada kulanka ayuu ku sheegay mid wadda-tashi ah oo la doonayo in mas’uuliyiinta iyo bulshada si furan u wadda hadallaan, iyaga ooPublic iska xog -wareysanaya xoojinta nabad-galyada, ka shaqeynta hormar dhinacyo badan oo ay bulshada ku tallaabsato iyo siddii loo gaari lahaa mustaqbal ifaya.

Furintaan kulanka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka heer gobol, degmo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiintii maamulka gobolka ee ka hadashay furintaanka kulanka wada-tashiga ah ayaa uga mahad celiyay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka iyo hay’addaha CRD iyo UNDP qabashada kulanka noocan oo kale ah, iyaga oo dhinaca kalana ku booriyay ka qeyb-gallayaasha in ay ka faa’ideystaan,

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!