Kulanka baarlamaanka beri oo leysku biro tumanayo

by admin | Friday, Dec 5, 2014

Muqdisho : HN :– Maalinta beri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 06, Dec, 2014, baarlamaanka iska soo horjeeda ee labada garab waxaa ay u ballansan yihiin qeybtiisa hore la fillayo in looga doodo mooshinka hor yaalla baarlamaanka, qeybtiisa danbana lagu waddo in baarlamaanka codka kalsoonida loo weydiiyo xukuumada uu hogaamiyo ra’isal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Kulankii Khamiistii shalay ka dhacay xarunta gollaha shacabka ayaa intiisa badan waxaa looga dooday mooshinka laga soo gudbiyay xukuumada, waxaana hadallo ku kulul ka jeediyay gudaha xarunta golaha shacabka xildhibaannada iska soo horjeeda.

Laakiin kulanka ugu adag waxaa loo ballansa yahay beri oo Sabti ah oo lagu waddo in gabi ahaanba la soo afjaro mooshinka, waxaana jira fariimo kala duwan oo ay warbaahinta isku marinayaan xildhibaannada iska soo horjeeda oo qolo walba ay ku goodineyso in ugu danbeyntii dhinacooda guusha raaci doonto.

Maanta oo jimco ah ayaa la filayaa in loo geli doono ololihii ugu dambeeyay ee shirka berri loo balansan yahay, waxaana magaalada kaxildhib kala dhici doona shirar iska soo horjeeda oo ah mid dhoolatus siyaasadeed oo labada dhinac ee Baarlamaanka ay ku soo bandhigayaan cududooda.

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay maanta ku leeyihiin magaalada Muqdisho dhoolatus siyaasadeed oo ay isugu diyaarinayaan kulanka berri, isagoo rajo ka muujiyay in guusha dhinacooda ay raaci doonto.

“Maanta waxaa yeelaneynaa kulan weyn oo aan ku tabaabusheysaneyno kulanka berri, qorshaheena waa inaan dhoolatus siyaasadeed soo bandhigno, isu imaatinkeena uu noqdo mid aan ku xaqiinineyno in maalinta sabtida ay guusha na raaci doonto oo aan cod ku kala bixi doono, codna aan ku diidno inagoo dareenkeena muujineyna”ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas 

Laakiin dhinaca kale, xildhibaannada ka soo jeeda dhinaca madaxweynaha ee wadda mooshinka, ayaa qaba in marka la gaaro maalinta bari ah fadhiga baarlamaanka, in dhinacooda ay guusha raaci doonto xukuumada hadda jirtana ka taqlusi doonaan.

Dhinaca kale guddiyo kala taageersan xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Muqdisho ka wadda olale xoog leh oo lagu kala jiidanayo xidlhibaannada, iyadoo dhinaca kalana shacabka reer Muqdisho siweyn u hadal hayaan sidda wax u dhici doonaan fadhiga bari loo ballansan yahay.

Hiiraan Net.aa

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!