Kulanka baarlamaanka ee maalinta bari ah oo la horgeyn doono mooshinka ka dhanka ah RW

by admin | Saturday, Nov 29, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in mar kale maalinta bari ah fadhi ku yeeshaan xarunta gollaha shacabka, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in la fillayo maalinta bari ah in looga doodo fadhiga baarlamaanka mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed.

Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka soconaya kulamo adag oo u dhaxeeyay mas’uuliyiintaxildhib ugu sareysa dowladda iyo xildhibaannada iska soo horjeeda kuwaa oo ujeedada laga leeyahay aheyd bal siddii leysugu soo dhaweyn lahaa xildhibaannada, islamarkaana kulamada soo socda ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

Wararka hoose ee soo baxaya ayaa sheegaya in mudanayaasha baarlamaanka ka soo horjeeda mooshinka ballan-qaadeen in ay joojin doonan buuqa iyo fowdada, haddii meesha laga saaro mooshinka ka dhanka ah RW , laakiin lama oga sidda xaalku isku badali doono haddii maalinta bari ah guddoonka baarlamaanka uu soo dhigo qodobka ku aadan dooda mooshinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa horay u sheegay in kulanka maalinta Axada ah ee looga doodi doono mooshinka looga soo horjeedo xukuumada, si looga fogaado dhibaato kale oo ka dhacda baarlamaanka, laakiin waxaa hadda muuqata in wax xoogaa isku soo dhawaasho ah laga gaaray kulamadii socday maalmihii ugu danbeeyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!