Kulanka baarlamaanka oo ku furmay 211 xildhibaan oo goob joog ah fadhiga

by admin | Saturday, Dec 6, 2014

Muqdisho :HN :– Waxaa goor dhaw xarunta gollaha shacabka si rasmi ah uga furmay kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la fillayo in codka kalsoonida loogu weydiiyo xildhibaannada xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Max’ed, waxaana fadhiga ku sugan oo soo xadiray 211 xildhibaan.

Guud ahaa marka la eego jawiga madasha ayaa ah mid aad u degan, waxaana ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka soo gala xarunta iyo kuwa magaalada, si loo sugo ammaanka guud.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo furay kulanka ayaa sheegay in ilaa 31 xildhibaan oo ka hartaybarla xildhibaanadii Khamiistii is qoray oo badankood hadlay in la dhameystirayo, kadibna codeynta loo gudbi doono.

Wariyayaasha ayaa iyaguna goob joog ku ah xarunta ,waxaana si aad ah dhegta loogu taagayaa natiijada ka soo bixi doonta kulanka marka ay bilaabato codeynta mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Dooda Xildhibaanada oo khamiistii aheyd mid aad u kulul ayaa la filayaa intan hartay inay ka sii kululaato, waxaana Xildhibaanada ay isugu jiraan kuwo difaacaya Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa taageeraya.

Wixii warar ah ee hadba soo kordha kala soco Hiiraan Net.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!