Kulanka madaxda dowladda iyo maamul gobolleedyada oo ka soconaya Muqdisho

by admin | Thursday, Feb 5, 2015

Muqdisho : HN :-Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shirar u dhaxeeya madaxda maamullada dalka iyo madaxda faderaalka oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali,madaxweynaha dowlad-gobolledka Jubbalan,Axmed Islaam Madoobe,madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa si wada jir ah xalay ugu hoyday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Socdaalka madaxdan ay ku joogaan magaalada Muqdisho ayaa la xiriira martiqaad ay ka heleen madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahmiyadda socdaalkan ayaa ah in wadatashi uu dhexmaro madaxda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiinta maamullada gobollada, 576x384x44.jpg.pagespeed.ic.SEi2lPzacTiyagoo isku xog warami doona, kana tashan doona arrimaha qaranka horyaalla.

“Si looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee dalka,gaarida hiigsiga 2016 ayay madaxdu ka tashanayaan,shirarka socdana arrimahas ayaa looga hadalaya,”sida waxaa u sheegay Raxanreeb mas’uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho ayaa lugu wada inay maanta la shiran madaxda faderaalka iyo madaxweynayaasha maamullada dalka oo si wada jir ah u jooga magaalada caasimada ah.

Marka ay soo dammaadan kulamadan waxaa lugu wadaa in laga soo saaro war loo wada dhan yahay oo lugu faah faahinayo arrimi lagawad hadlay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!