Kulankii baarlamaanka ee maanta oo lagu kala tagay kaddib buuq ka dhashay fadhiga

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa si deg deg ah u  soo xirray fadhigii baarlamaanka ee maanta kaddib buuq iyo sawaxan ay sameeyeen xildhibaannada taageersan ra’iisal wasaaraha oo diiday in la keeno fadhiga mooshin ay ku tilmaameen in uu yahay mid lagu qoray xafiiska madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo marar badan isku dayay in uu dajiiyo buuqa ayaa ku guul-dareystay kaddib markii ay xildhibaannada  soo horjeeda mooshinka ku adkeysteen in ay aan ajandaha lagu soo darin mooshinka la sheegay in laga keenay ra’iisal wasaaraha oo ay u arkyeen sharci darro.

Dhinaca kale, xildhibaannada mooshinka wadday ayaa iyagu doonayay in ay qeybiyaan oo xildhibaannada gaarsiiyaan qoraalka& mooshinka, laakiin siddii ay doonayeen wax uma dhici oo arrintaa waxaa ka hor yimid xildhibaannada ka soo horjeeda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ku hanjabay in tallaabo cad laga qaadi doono xildhibannada buuqa iyo sawaxanka ka sameeyay fadhiga, isaga oo ugu danbeyntiina soo xirray.

Mudanayaasha  ka soo horjeeda mooshinka ayaa goor sii horeysay la wareegay buugii xaadirinta Xildhibaanada iyo waraaqihii ajandayaasha, iyagoo watay qoraalo ay ku qornaayeen in aan cod lagu bedelin lacag (No Vote Fo Cash).

Hiiraan N et.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!