Kulankii baarlamaanka oo fowdo iyo jahwareer ku soo dhamaaday

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa natiijo la’aan markii saddexaad maanta ku soo xirmay fadhigii gollaha baarlamanka Soomaaliya ay maanta ku yeellan lahaayen xarunta gollaha shacabka, kaddib markii ay kulan is hortaag ku sameeyeen xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka ee taageersan ra’iisal wasaare C/wali.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo u soo diyar-garoobay in uu furmo fadhiga maanta, ayaa markii uu gudaha u soo gallay madasha shirka, waxaana bilaawday buuq iyo sawaxan ay sameynayeen xildhibaannada garabka ra’iisal wasaaraha, hasse ahaatee marar badan oo uu isku dayay guddoomiyaha in uu aamusiyo waxaa ku guul-dareystay, taasina waxaa ay keentay in fadhigii uu siddaa ku soo xirmo.

Mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha ayaa loo qeybiyay xildhibaannada taageersan madaxweynaha oo kaliya, hasse ahaatee garabkaxildh6-310x206 kale ee ka soo horjeeda ayaa sheegay in gudaha xarunta aan waxba lagu qeybin oo xalay hoteellada Muqdisho iyo xarunta madaxtooyada lagu qeybiyay.

Guddoomiye Jawaari oo Jimcihii aynu soo dhaafnay ku hanjabay in uu tallaabo qaadi doono ayaa maanta markii saddexaad guul-dareystay isaga oo awoodi waayay in uu fadhiga baarlamaanka shir guddoomiyo.

Lama oga ugu danbeyntii tallaabada uu qaadi doono madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud waxaa ay dad badan saadaalinayaan haddii uu xaalku siddan sii ahaado in uu madaxweynaha kala diri doono guud ahaanba baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!