Kulankii baarlamaanka oo furmay iyo ra’iisal wasaaraha oo la fillayo in uu khudbad ka jeediyo

by admin | Monday, Feb 9, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay xarunta gollaha shacabka kulankii barlamaanka oo ajandaha hor yaaalla yahay kalsooni siinta xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana kulanka fadhiya oo xaadir ah 220 xildhibaan oo diyaar u ah in ay codkooda dhiibtaan.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Pro Max’ed Cismaan Jawaari, ayaa waxaa siddoo kale jooga ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid CaliKulan_Dhallinyarada_&_Baarlamaanka_1 Sharma’arke iyo xubno ka tirsan gollihiisa wasiirada, waxaana la fillayaa in uu ra’iisal wasaaraha halkaa ka jeediyo khudbad uu baarlamanka ka codsanayo in la aqbalo xukuumada uu soo dhisay.

Labo jeer oo hore ayaa Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu ay mari weyday baarlamaanka, isagoo labadaas jeer dalbanayay muddo kordhin uu ku soo dhiso Xukuumad dhameystiran.

Lama oga sidda ay xildhibaannadu ka yeelli doonaan xukuumada cusub, hasse ahaatee waxaa loo badinayaa in ay siin doonaan codka kalsoonida madaama daal badan uu jiro, marar badanna lagu noq noqday dhismaha xukuumada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!