Kulankii baarlamaanka oo jawi degan ku soo xirmay iyo Khamiista oo dib loo ballamay

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa si degan goor dhaw ku soo dhamaaday kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka dhacay xarunta gollaha shacabka, waxaana fadhigii maanta xildhibaannada loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaannada ayaa ahaa maanta kuwa degan oo aysan ka muuqan wax colaad ah sidii labadii kulan ee ugu dambeeyay laga dareemayay.barla

Mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in xildhibaanada ay ka doodaan maalinta khamiista ah kulanka ku xiga oo dhacayana Sabtidana uu noqonayo mid cod loo qaado.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo baarlamaanka kahor inta aan loo qaadin codka, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo in uu hortago baarlamaanka khudbadna uu ka jeediyo.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!