Kulankii baarlamaanka oo mar kale maanta fowdo ku soo dhamaaday laguna kala tagay

by admin | Saturday, Nov 15, 2014

Muqdisho : HN :– Kulankii la fillayay maanta ee xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii ku soo dhamaaday fowdo iyo buuq kaddib markii ay diideen in uu furmo kulanka xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ayaa hoolka shirarka xarunta Golaha shacabka isaga baxay, kadib markii mar kale lagu buuqay, iyadoo xildhibaannada taageersan ra’iisul Wasaaraha ay qaadeen heesta calanka ee Soomaaliyay Tooseen

Xildhibaanada diidan mooshinka ayaa qaadayay heesta Calanka “Soomaaliyay Toosow”, waxaana qeylada iyo buuqa Xildhibaanada kadib ay keentay in gudoonka uu ka baxo hoolka shirarka.

Gudoomiye Jawaari ayaa isku dayay in xildhibaanada qeylinayay in uu ku qanciyo in ay fariistaan, iyadoo xildhibaano gaarayay& afartameeyo ay ku qeylinayeen heesta calanka.

Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ayaa saaka la soo galay xarunta golaha shacabka, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan, taasoo mar kale carqalad ku ah fadhigii Baarlamaanka ee lagu wado in lagu qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’isul Wasaaraha.

Gudoonka ayaan soo xiray shirka, waxaana isaga oo careysan uu ka baxay hoolka shirarka, waxaana xarunta golaha shacabka ku sugan xildhibaanada labada dhinac kala taageersan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!