Kuwait oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto la dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

by admin | Saturday, Sep 26, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Kuwait  ayaa sheegtay in markii ugu horeysay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaddib kulan New York ku yeesheen Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Kuweit, Sh, Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar.

Intii uu socday kulanka labadan mas’uul oo shalay dhacay ayuu ka sheegay Sheekh Sheikh Sabah Al-Khaled ayaa sheegay in2015926635788285877623628KuwaitiFM_SomaliFM_660 Dowladdiisu ay gacan ka siinayso Soomaaliya Xoojinta amniga iyo deggenaashaha Somalia oo dhan.

Sidoo kale, labadan mas’uul oo ka mid ah xubnaha ka qaybgalaya Shir-weynaha 70-aad ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay sidoo kale kulankooda kaga doodeen xiriirka iskaashi ee labada waddan iyo iskaashiga labada dhinac.

Dowladda Kuwait ayaa waxay ka mid tahay dalalka caawiya Somalia, waxaana ka furmay dalkeeda shir dhaqaale loogu ururinayo horumarinta waxbarashada Soomaaliya, si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho dhameystran.

Ugu dambeyn, shirka labada mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Waddanka Kuwait, danjiraha Kuwait ee Mareykanka Dr Ahmad Nasser Mohammad Al-Sabah iyo xogyahaha Joogtada ah ee Kuwait u jooga Qaramada Midoobay, Mansour Al-Otaibi.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!