laamayaal meydadkooda laga helay xeebta degmada Marka ee gobolka Sh/hoose

by wadani | Wednesday, Jan 4, 2017

Marka : HN :- Wararka ka imaanaya Deegaanka Gandershe ee ku dhaw magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Xeebta deegaankaasi ay kusoo caariyeen Meydadka lamaane ajaaniib ah oo la sheegay in Badda ay soo tuftay.

Meydadka Lamaanahan oo la sheegay in ay Cadaan yihiin ayaa waxaa ka muuqday dhaawacyo loo maleenayo in bahalaha badda ay u geesteen, waxaana Meydadka lagu arkay xeebta Deegaanka Gendershe halkaas ay maamulaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay ka argagaxeen markii ay arkeen Meydadka lamaanahan ajaaniibta ah ee Badda soo tuftay, waxaana lamaanahan loo maleenayaa in ay ahaayeen dalxiisayaal reer Galbeed ah.

Saraakiil katirsan Al Shababa oo la hadlay Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in ay aaseen Meydadka lamaanhaasi ajaaniibta ah, waxaana Meydka Haweeneyda ay sheegeen in laga helay dahab badan oo ay xirneed.

Wali ma jirto faah faahino dheeraad ah oo laga helayo dalka ay u dhasheen iyo halka ay ka yimaadeen lamaanahaasi, mana la baahin muuqaalka lamaanhaaasi taasi oo suurto gal ka dhigi laheyd in la aqoonsado.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!