Laba belaayo hadba mida dhibta yar ayaa la qaataa. WQ; Omer Suleiman Ali

by Yahye | Thursday, Oct 10, 2013

Shabaabta iyo kuwo kaleba waxay sheegtaan in ay doonayaan in kitaabka Alle lagu dhaqmo. Waana arrin xaq ah oo nagu waajib ah in mar haddii aynu nahay dad islaam ah aynu ku dhaqanno kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulkeenna Ilaah ha u naxariistee.

Culumada kale oo dhammina iyo ruux kasta oo islaam ahi waa og yahay waana ku qanacsan yahay welibana way wada doonayaan.

Haddaba waa maxay khilaafka dhex yaal culumada iyo Shabaabta?

Waxaan ogahay in dadka Soomaaliyeed yar iyo weyn ay ku qanacsan yihiin Islaamnimadooda kuna adag yihiin. Ma dhici karto in qof Soomaali ah uu si fudud diintiisa uga baxayo ama u ogolaanayo gaalnimo. Arrinkaas ayaa wuxuu mudan yahay in la qiimeeyo. Marka dadka Soomaalida ahi waa dad muslimiin ah ciddii gaal ku sheegtana gacan la gefi maayaan.

Waxaase jirta oo aan indhaha laga qabsan karin laba cadaw oo ummad ahaan Soomaalida hantiyey gacantana ku dhigay loona baahan yahay in si cilmiyeysan looga dhirin diriyo ee aan lagu xanuujin. Labadaas cudur waxay kala yihiin:

  1. Aqoon darro xagga diinta iyo guud ahaan cilmi oo dhan,
  2. Shisheeyaha gaamuray ee adduunka oo dhan u xoogga sheegtay oo saameeyey dhaqankii ummadda Soomaaliyeed iyo adduunka intiisa kaleba.

In daawo loo helo labadaas qodob waxay u baahan tahay muddo dheer oo la lafa guro. Marka qofkii doonaya in uu markiiba xal u helo waa mid gudcur gudaya.

Labada qodob midda hore waxaa ka ahaa mas’uul culumadii diinta ee dadka wax bari jirtay oo aan iyaga laftoodu aqoon buuran u lahayn diinta Islaamka iyo cilmi kale toona. Wax badan oo xalaal ah xaaraantimeeyey wax badan oo xaaran ahna way xalaaleeyey. Taas ayaa keentay in qofka Soomaaliga ahi uu maanta u arko in wixii xalaasha ahaa ee loo xaaraantimeeyey uu weli u arko xaaraan wixii xaaraanta ahaana u arko xalaal ayna weli ka degi la’dahay in wax xaaraan ahaana xalaal noqday wax xalaal ahaana xaaraan.

Sidaas darteed qofku dembiga iskama laha in lagu dilaana ma bannaana, waxaase loo baahan yahay in hadda kow looga bilaabo oo xaaranta iyo xalaasha looga run sheego.

Waxaa aqoon daradaas xoojiyey qodobka 2aad iyada oo gumaysigii shisheeyaha ahaa oo naga diinta duwanaa uu na baray diintiisii waxaan uga jeedaa dhaqankiisii. Diintuna waa dhaqankaaga ee wax kale ma aha, sida ku cad aayaddan.

فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَآءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِن وِعَآءِ أَخِيهِ كَذلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلاَّ أَن يَشَآءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَآءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(يوسف 76)

Haddii aan isku dayo in aan macneeyo aayadda waxaad og tihiin in Yuusuf markii oo doonay in uu walaalkiis ka reebto walaalihiisii kale uu weelkii wax lagu beegayey ku dhex qariyey alaabtii walaalkiis. Markii laga soo saarayna uu sharcigii boqorku u ogolaaday Yuusuf in uu la hadho qofkii laga helay weelkii maqnaa ee uusan xaq u lahayn in uu cid kale reebto. Sidaas ayay aayaddu u caddaynaysaa in uu Yuusuf kula hadhay walaalkiisa sharcigii boqorka كَذلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ oo sida aayaddu u tidhi diinta boqorka فِي دِينِ الْمَلِكِ oo ah diinta boqorka oo loola jeedo sharciga boqorka.

Marka gumaysigii shisheeyuhu wuxuu naga galay xagga dhaqanka oo ah xagga diinta isaga oo na baray nana jeclaysiiyey dhaqankiisii.

Waynu wada ogsoon nahay in uu gumaysigu noo keenay wixii loo yiqiin instituitions-kiisii oo ay ka mid ahaayeen dawladnimo aynu maanta ku dhaqanno oo ah xukun aadami, sharciga aynu isugu cadaalad samayno oo ah sharci aadami dejiyey, cilmiga dhaqaalaha oo ah mid ku salaysan ribo, gumaysi oo ah aadami uu xukuma aadami kale oo aan ku dad ahayn taas oo been ah, xoriyadda oo ah aadami uu xukumo aadami kale oo ku dad ah taas oo iyana been ah iyo waxyaabo kale oo dhammaantooda shareecada Alle iyo cilmiga dhabta ah ee adduunka oo dhan ka soo hor jeeda.

Laba kooxood ayaa hubka u qaaday in ay dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah ku soo dabaalaan manhajkii Alle waxayna kala yihiin Daraawiishtii oo aynu wada hayno meesha ay ku dambeeyeen. Waxaanna hubaa sida uu Alle ku ballanka qaaday haddii ay Daraawiishtu ku socon lahayd manhajka Alle ee xaqa ah gaalo kama adkaateen, waayo guusha Alle ayaa bixiya wuxuuna wacad ku maray in uu dadka mu’miniinta ah u hiilinayo.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ رُسُلاً إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَآءُوهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَانتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُواْ وَكَانَ حَقّاً عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنينَ(الروم  47).

Kooxda kale waa Shabaata oo boqol sano ka dib Daraawiishta dhalatay oo iyaguna aan dadka muslimiinta ah mooyee cid kaleba taaban, marka shaki iigama jiro in ay ku dambayn doonaan meeshii uu ay Daraawiishtu ku dambaysay.

قُلْ سِيرُواْ فِي الأَرْضِ ثُمَّ انْظُرُواْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ(الأنعام  11).

Beenta ay sheegayaan waxaa ka mid ah ruux muslim ah oo Alle iyo rasuulkaba rumaysan ayay si ay u dilaan ku sheegeen gaal sidaasna ku dilaan, marka sow beenaalayaal ma ah.

Markii rasuulka csw Daa’if lagu dhibaateeyey ee malagu u yimid ee weydiistay in uu labadaas buurood ku dhex malaaso reer Daa’if, wuxuu rasuulku csw dhahay kuwaas ubadkooda ayaan doonayaa in ay diinta u noqdaan hiil ee iska dhaaf. Rasuulkuna wuxuu noo yahay ku dayasho fiican.

Aayaddan hoos ku qoranna wuxuu Alle rasuulkiisa ku war gelinayaa in haddii uu noqon lahaa mid ku qallafsan dadka una tudhin ay ka ag kala tegi lahaayeen ee aanay hareera fadhiyeen, arrinkaasina arrin uu Alle raalli ka noqon lahaa ma aha marka wuxuu rasuulka csw u sheegayaa in naxariistiisa awgeed uu dadka ugu noqday mid u naxariis badan dhibaatadana uga tudha.

فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنْفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ(آل عمران  159)

Maalin dhoweyd culumada Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka soo saartay FADWO ay ku cambaaraynayaan falalka daalimnimada ah ee Shabaabtu ku socoto. Waxayna dheheen culumadu diintu ma ogola in haddii khayrka aad doonaysid loo marayo dhibaato xad dhaaf ah in sida rasuulka csw ka sugnaatay ay tahay in laba daran mid dooro arrinka lagu dhammeeyo oo la qaato labada dhibaato midda dhibta yar waana arrin xaq ah in marba midda dhibta yar la qaato.

Haddaba culumadu ma waxay lee yihiin xasuuqa ay Shabaabtu dadka Islaamka ah ku hayso ayaa ka xun in aanlagu dhaqmin shareecada kitaabka Alle. Wuxuuna Alle sheegay ruuxii aan kitaabka ku garsoorini waa gaal.

Marka culumadu waxay u arkeen in kitaabka Alle oo aan lagu garsoortamin ay ka dembi yar tahay xasuuqa ay waddo Shabaatu ama in la raadsho in kitaabka lagu garsoortamo waxaa ka imanaya dhibaato culus oo ummadda ku hubsanaysa ee ka daaya kitaabku iska maqnaado eh.

Marka ma Shabaabta ayaa xaqa ku socota mase culumada?

Su’aashan jawaabteeda qaybta 2aad ku sug.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOMER SULEIMAN ALI

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!