Labo beelood oo kuraasta ugu badan lumin doona hadii degmo lagu soo xulo xildhibaannada

by admin | Wednesday, Dec 16, 2015

Muqdisho : HN: – Dabcan sababta ugu weyn ee keentay is-mari-waagga ka taagay shirka hogaamiyayaasha Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho, ayaa la leeyahay waxaa qeyb ka ah shaki fara-badan oo ay qabaan beellaha qaar oo u arka haddii la qaato nidaamka ah in degmo wax lagu soo xullo markaa lumin doonaan labo u jibaar kuraasta ay hadda ku leeyihiin baarlamaanka.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ka mid ah hogaamiyayaasha ku ad-adag in mar kale xildhibannada lagu soo xulo nidaamka 4.5, ayaa maan-ka ku haya haddii leysu raaco in doorashada danbe degmo lagu gallo in beesha uu ka soo jeeddo ee Digil & Milriflle lumin doonaan kuraas badan oo ay hadda ku leeyihiin baarlamaanka, madaama beeshaasi degan tahay degmooyin kooban oo intooda badan xitaa lala degan yahay marka loo eego beellaha kale ee Hawiye iyo Daarood.

Siddoo kale, beesha Shanaad oo hadda saami fiican ku leh dowladda jirta, ayeey siyaasiyiintooda waxaa ay ka shaki qabaan in ay meeshaba ka bixin doonaan haddii nooca doorasho ee soo socta leysku raaco in deegaan lagu soo doorto xildhibaannada, waxaana ay  taa keentay in siyaasiyiin uu ka mid yahay Faarax Sheekh C/qaadir ku cadaadiyaan madaxweyne Xassan in uu is hortaag ku sameeyo nidaamka ah in doorashada lagu saleeyo degmo.

Ugu danbeyntii, haddii la qaato aragtida maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaa hubaal ah in beesha uu ka soo jeedo Shariif Xassan ee Digil iyo Milrifle lumin doonaan saddex u qeyb labo qeyb oo ka mid ah 61-xildhibaan oo ay hadda ku leeyihiin gollaha baarlamaanka.

Qormo Press

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!