Labo gabdhood oo saakay lagu dillay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Muqdisho : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysnaa toogasho ku dilleen labo gabdhood oo ardey ahaa.

Sida ay sheegayaan wararka labo dhalinyaro oo mooto saarnaa ayaa gabdhahan madaxa ka toogtay, kuwaasoo durbadiiba ku baxsaday mootadii ay wateen.

Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa ku guuldareystay inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.Bastoolad (1)

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah gabdhaha la dilay ay ilmo adeer la aheyd Gudoomiyaha degmada Dharkeenley, halka gabdha kalena ay qaraabo ahaayeen.

Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkaas, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilal maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada nabad-sugida ay toogteen labo nin ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay askari ka tirsan Booliska.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!