Labo xildhibaan oo xal laga gaaray murankii ka taagnaa doorashadooda

by wadani | Friday, Dec 9, 2016

Muqdisho : HN :-‘ Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa la sheegay in ugu danbeyntii ay xal ka gaareen murankii ka taagnaa labo kursi oo ka mid ah 25 kursi oo muran badan oo ka jiro habkii loo soo doortay, waxaana xildhibaannada maanta khilaafkooda la xaliyay kala yihiin Mahad Salaad oo ah wasiirka madaxtooyada Soomaaliya iyo Saadiq Macalin C/kariin oo ka mid ah la taliyayaasha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Labada musharax oo horay loo sheegay ay boobeen kuraasta ay ku soo baxeen ayeey guddiga xalinta khilaafaadka sheegeen in xal laga gaaray murankii ka taagnaa doorashadii ay ku soo baxeen kaddib markii ay la fariisteen guddiga odayaasha beellaha ay ka so jeedaan labad xildhibaan oo sheegay in  ay ku qanacsan yihiin habkii loo doortay waa sidda ay hadalka u dhigeen gudiga.

Guddiga ayaa labada xildhibaan u ogolaaday in ay qaataan shahoodooyinka xubinnimadooda baarlamaanka, kaddib markii sidda ay guddigu sheegeen laga gudbay murankii ka jiray xildhibaannimadooda.

Laakiin warkan ka soo baxay guddiga xalinta khilaafka ayaa durbaba la duray, waxaana lagu waramayaa in ay ku dhici waayeen in labada xildhibaan tallaabo ka qaaday maadaama labaduba yihiin saaxiibada ugu dhaw dhaw madaxweynaha.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!