Lix ku dhimatay dagaal ka dhashay lacag madax furasho ah

by admin | Thursday, Sep 25, 2014

Gaalkacyo : HN :– Inta la og-yahay lix ruux oo ay ka mid yihiin dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal dhaxmaray kooxo burcad ah oo la sheegay in ay lacag madax furasho ah ka qaateen wariye heyta dhalashada dalka Mareykanka oo mudo ku dhaw saddex sano gacantooda ku jiray, waxaana la sheegay in dagaallka uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo.

Saddex ka mid ah burcadda ayaa ku dhimatay is-rasaaseyn ka dhacday xaafad ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob-joogeyaal ah.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in is-rasaaseynta ay timid kaddib muran ka dhashay lacagta madax-furashada ah ee kooxda ay kuMichael-Moore heshay sii deynta weriyaha.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa qortay in kooxda burcadda ah la siiyay lacag dhan $1.6 milyan.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali (Gabaar) ayaa sheegay in ay sameynayaan baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Weriye Michael oo haysta dhalashooyinka dalalka Germany iyo Mareykanka ayaa lagu afduubtay Soomaaliya labo sano iyo siddeed bilood ka hor .

Hiiraan net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!