lix xildhibaan oo ka soo jeeda gobolada W/qooyi oo maanta lagu doortay

by wadani | Monday, Dec 19, 2016

Muqdisho :HN : -Ilaa lix xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka W/qooyi ayaa lagu doortay kaddib doorashadii xubnaha gobollada W/qooyi oo maanta dib uga bilaabatay Muqdisho.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dib u fasaxay doorashada oo todobaadyadii ugu danbeeyayba hakad ku jirtay jirtay, kaddib markii la sheegay in leysku khilaafay ergada.

Waxaa doorashada maanta ku soo baxay lix xildhibaan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Haween , iyadoo xubnaha qaar ee guuleystay ay ahaayeen Xildhibaano cusub.

Kursiga Beesha Ciise, Dalool, Furlabe ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 25 cod, halka Sacaada Aadan Axmed ay heshay 22 cod, sidaas darteed waxay guusha raacday Kharda Tukaale.

Ismaaciil C/raxmaan Bashiir ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Sacad Yoonis, isaga oo helay 33 cod, waxaana uu ka guuleystay Xildhibaan difaacanayay kursigaas.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku guuleystay kursiga Beesha Ciise, gaar ahaan Jufada Haroone, waxaa uu helay 25 cod, waxaana uu si dirqi uga guuleystay Xaamud Cali Xasan oo ahaa Wasiir kuxigeenka Waxbarashada, waxaa uu Xaamud helay 22 cod, iyadoo 48 ergo kaliya ay codeyneysay Kursigan.

Sidoo kale waxaa Kursiga Beesha Sacad Yoonis waxaa ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen  oo heshay 47 cod.

Suuri Diiriye Carab ayaa mar kale difaacatay kursiga ay ku fadhisay ee Beesha Habar Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaa ay heshay 37 cod.

Hasse ahaatee doorashadii ugu xiisada badneyd ayaa waxaa ku tartamay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.

Waxaa ay natiijada doorashadaasi noqontay in C/raxmaan Axmed Suge  uu ku guuleysto halka musharixii la tartamayay oo ahaa walaalkii Max’ed Axmed Suge uu hellay 4 cod oo kaliya, waxaase doorashadan xiise kale u sii yeellay codadka xumaaday oo gaarayay 18 cod.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!