Maalinta nabada oo laga maamuusay magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Sep 21, 2014

DCIM100MEDIABeledweyne : HN :– Munaasbad siweyn loo soo agaasimay islamarkaana lagu maamuusayay maalinta nabada aduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munaasabada oo ka dhacday Hoteel Kaamil islamarkana uu soo qaban-qaabiyay xafiiska siyaasada QM ee UNSOM waxaa ka qeyb-gallay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka ururada dhalinyarrada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hay’adda ACRO CARE oo fududeysa qabsoomida munaasabada ayaa mas’uuliyiin ka soctay waxaa ay sheegeen maanta kale loo asteeyay in leysku buuriyo nabada, iyaga oo sheegay in gaar ahaan marka la eego Soomaaliya looga baahan yahay guud ahaan bulshadu u istaagto siddii loo abuuri lahaa jawi nabadoon.

DCIM100MEDIAGuddoomiiyaha maamulka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo munaasabada dhinaciisa ka hadllay ayaa sheegay in dhalinyarrada looga baahan yahay qaadashada doorkooda nabada, madaama dhinaca kale marka la eego yihiin kuwo loo adeegsado colaada, waxaana uu intaa ku darray in guud ahaan umadda Soomaaliyeed looga fadhiyo dhameynta wax kasta oo khilaaf ah ee jira leyskana cafiyo danbiyadii la kala gallay.

Col Cismaan Dubad taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa dhinaciisa sheegay in sababta ay ciidamadooda Soomaaliya u joogaan tahay siddii ay nabada u soo celin lahaayeen qof kastana looga baahan yahay marka hore in uu dhisida nabada ka soo bilaabo gurgiisa kaddibna ku faafiyo bulshada inteeda kale.

DCIM100MEDIAMunaasabada ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu qabto magaalada Beledweyne, waxaana dhamaan qeyb-gallayaasha ay muujiyeen shacuur la xiriirta sidda loogu ooman yahay nabad la hello.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!