Maalmo lagu kordhiyay waqtiga shirweynaha dib-u-hishiisiinta Beledweyne

by admin | Monday, Jun 1, 2015

shirka-baladweyne-oo-wajigiisa-labaad-galay-2Beledweyne : HN :– Kaddib kulan maanta magaalada Beledweyne ay ku yeesheen guddiga hogaaminaya shirweynaha dib-u-hishiisiinta ka soconaya magaalada Beledweyne, ayeey kaga dhawaaqeen in mudo 21 cisho ah lagu kordhiyay madasha shirweynaha dib-u-hishiisiinta.

Guddoomiyaha guddiga nabadoon Axmed C/dulle Jimcalle ayaa u sheegay ergooyinka shirka in mudadaas lagu kordhiyay shirka loogu talagalay in fursad loo siiyo beellaha aan wali ka soo qeyb-gallin shirka, waxaana uu intaa ku darray in looga baahan yahay beellaha wali maqan in ay shirka ka soo qeyb-gallaan.

shirka-baladweyne-oo-wajigiisa-labaad-galay-1Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Sheekh Xusseen Cismaan Cali ayaa sheegay in shirka maalmihii uu soo socday gaaray guulo waaweyn oo wax ku ool ah, isaga oo intaa raaciyay in ka maamul ahaan gacan -weyn ka siin doonaan guddiga sidii uu shirku u guuleysan lahaa.

Agaasimaha waaxda dib-u-hishiisiinta wasaarrada arrimaha gudaha Daahir Warsame Fiidoow oo madasha ka hadllay ayaa sheegay in dowladdu siweyn u taaageersan tahay shirka, islamarkaana dhawaan la filayo in ay Beledweyne soo gaaraan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

shirka-baladweyne-oo-wajigiisa-labaad-galay-7shirka-baladweyne-oo-wajigiisa-labaad-galay-11shirma-gobolka-hiiraan-3Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!