Maamul gobleedka Puntland oo cambaareeyey booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood

by admin | Thursday, Jan 22, 2015

Garowe; HN;- Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulku aad u cambaareynayo booqashadii daandaansiga ahayd waa sida aay hadalka u dhigeene oo uu madaxweynaha Somaliland ku tagay magaalada Laascaanood.

Qoraalkan oo loo diray dowlada federaalka, urur goboleedka Igad iyo beesha caalamka ayaa lagu sheegay in daandaasiga maamulka Somaliland aay masuuliyadeeda qaadi doonaan dhibaatadii ka timaada.

Maamulka Puntland wuxuu cadeynayaa in gobolka Sool uu ka tirsan yahay dhulka Puntland sidaa daraadeedna aay qalad tahay maamul kale inuu yimaado weliba si aan raali looga ahayn.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa lagu sheegay in shacabka Puntland iyo maamulkoodu difaacayo xuduudaha iyo sharafta dhulka maamulka, aayna isaga filan yihiin cid kasta oo ku soo xadgudubta.

Dhawaan ayaa waxaa magaalada Laascaanood gaaray madaxweynaha Somaliland Axmed M. Siilaanyo.

Gobolka Sool ayaa waxaa isku heysta sedex maamul oo kala ah, Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!