Maamul goboleedka Puntland oo shirkadda isgaarsiinta Golis amar ku siiyey inay xiraan website-yo

by admin | Wednesday, Jan 21, 2015

Garowe; HN;- Qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa shirkada Isgaarsiinta Golis amar lagu siiyay in gabi ahaan hawada Puntland ka saraan website-yo kuwasoo baahiyey wararka lidi ku ah deegaanada maamulkaasi.

Qoraalkaan kasoo baxey xafiiska warfaafinta  ayaa lagu eedeynayaa in website-yadu ka qayb qaadataan Aflagaado loo gaysto madaxda Puntland, iska-horkeenid bulshada degaanka iyo abuuris xasilooni daro.

Qoraalkan ayaa si toosa loogu diray shirkada isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha gobolada maamulka Puntland iyadoona amar lagu siiyey iney si deg-deg ah hawada uga saaraan websiyada ku xusan waraaqdaan kuwasoo kala ah. Garoweonline, galgalanews, xaysimo, puntlandtoday, puntlandnow iyo jidbaale.

Waxaa la sheegayaa in website-yada la mamnuucay durbaba hawada laga saaray, waxaana arinka qeylo dhaan ka keenay ururka suxufiyiinta Puntland.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!