Maamul takoorka gobolka Hiiraan waa in laga dhiidhiyo, WQ; Nuur Cilmi

by Yahye | Tuesday, Jun 3, 2014

Gobolkan oo ka mida siddeeddii Gobol ee lagu assaassay Qaran Somaaliyeed oo xora, kaalinta afaraadna ka geli jiray tirade cod-bixinta doorashooyinkii 64tii  iyo 69kii, waxa uu dhacaa bartamaha, oo muhiima u ah isku-xirka Gobollada koofureed iyo waqooyi, iyadoo dadka ku noolna lagu qiyaasay 1.5-2 Milyan, sida ku cad warbixinnada UNDP-Somalia.

Waa Gobol Alle ku galladeystay Qaniimo faro badan oo Xoolaha (3-4.5 Milyan) iyo Beeruhu (30-50,000 hec) ugu horreeyaan. Suuqa ugu weyn ee xoolaha iyo wax soo saarka Beeraha ayaa ku yaal Gobolka, oo ka dhigay suuq soo jiita kumanaan kun oo ganacsato ah, oo gudaha iyo deriskaba le,(Itoobiya iyo Kenya). Canshuurta u soo xaroon karta Bishii, haddii qorshe fiican loo dhigo waxa lagu qiyaasay 1.5-2.5Milyan Doolarka Mareykanka ah.  Waa adduun ku filan kharashaadka kala duwan ee Gobolku uga baahan adeegyada Bulshada.

Somali 1969BULSHADA HIRAAN

Lama oga, sadarrada taariikhdana weli lagama dheehan, goorta iyo halka ay Bulshadani ka soo degtay ama kaga timid G. Hiiraan, sida aan loo xaqiijin kareyn goorta Somaalidu degatay Gayigan, haseyeeshee, waa Bulsho, sida walaalaheeda kale, isku Diina, Dhaqana, Afa, misana isku millan, iskuna sidkan.

Waa Somaali xil midnimo sida, sinnaanta oggol, diida kala sarreynta, gar-darrada aan saacidin, colaadda ka selesha, nabadda u sahamisa, dagaal-yahanahow, nin sigay uusan nabad-gelin, hayeeshee, sal-fudeyd aan u kicin oo hiraal arag fog le.

Waa Bulsho soo saartay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Qarankan, kuna abtirsadaan Siyaasiyiin iyo Geesiyiin maalintey xumeyd loo fakaday. Waa Bulsho isla nooleyd abid, islana noolaan doonta illa Buunka Qiyaamaha.

MAANTA  XAALKUA  WAA SIDEE

Dhowr iyo labaatan Sano oo jah-wareer Siyaasadeed, burbur Dhaqaale iyo kala daadasho Bulsho, waxay reer Hiiraan la wadaagaan Somaaliya inteeda kale, oo  runtii ah musiibo xanuun badan oo illa maanta jinsiga Somaaligu dugsado, dalkana dhaxal wareeg kulaalo, hal-abuurkuna waa ka ku sifeeyey, ‘ninkii lahow qaado’(Cabdulqadir M. Waceys).

Waa Bulsho meesha ay ku taal iyo kheyraadka ay leedahay awgood,  soo jiidatay cadow sokeeye iyo mid shisheeye, oo le dano aan is-oggoleyn oo Dhaqaale, Siyaasad, Bulsho iyo Diineed. Waxa saaciday cadowga, qolo-qoleysiga iyo is-baheysiga xadka ka talaabay oo adkeeyey in danta guud meel laga wada arko.

Waxa si xowli ah u hana-qaaday tartan Siyaasadeed, Dhaqaale  iyo mararka qaar dhul-boob aan degaan salka ku heyn oo horseed u noqday in Bulshadii isla nooleyd ay subax gumaad isula joogsato, hal-doorkana iska leyso. Waxa la xakameyn waayey dagaallada Beelaha, dilalka qorsheysan, dhaca hantida iyo bara-kicinta maatada.

Maqnaanshaha kaalintii Hoggaaminta Wax-garadka iyo Dhaqanka, ayaa saldhig u noqday maro-habowga ku dhacay qaabkii fekerka Bulshada Gobolka, illa Gobolkii gablamay, magaciisii ba’ay, xume ka sheegiddiisa lagu shirtago, illaa uu  gabaabsi noqoday rajada laga qabi karo, dib u aamaamudka Bulsho xag walba ka baaba’ay, burburintiisana iska kaashadeen damiir la’aanta Siyaasiyiintiisa, dib u dhac-sanaanta garaadka dadkiisa iyo dibin-daabyada cadowga sokeeye iyo ka shisheeye.

MAXA LOO MAAMUL-TAKOORAY HIIRAAN

Nadaamka Dowliga ah ee cusub ee la nagu sandulleeyey, ayaa Gobollada u oggolaanaya inay is-xukumaan, doorashana u maraan. Sharciyada nadaamkan Dowliga ah ee cusub u diyaarsan oo qabyo ah iyo khilaaf badan oo ka jira awgeed, ayaan rabaa inaa hore galo nidaamka magacaabista (Barasaabyada) ku dhisan ee hadda lagu dhaqo Gobollo uu Hiiraan ka mid yahay.

Nadaamkan magacaabistu, waa mid ku yimaada, howl uu soo bilaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee markaa jira, oo ka soo talo bixiya cidda buuxineysa jagada Barasaabka Gobolka, la tashi kala sameeya Xubnaha Golaha Shacabka ugu jira Gobolka ( xaaladda hadda), mariya golaha Wasiirrada, dabadeed ayaa lagu sharciyeeyaa saxiixa Madaxweynaha

Hiiraan, Banaadir, Shabeelooyinka, (Jowhar, Marka), Galgaduud iyo Bakool ayaa hadda le, xukun Barasaabyadu ay horseed ka yihiin, Hiiraan maahee, inta kale oo dhan midna looma xadido waqtiga maamulk jirayo, buuq siyaasadeedna kama dhasho, halka Hiiraan Maamulka loo magacaabo, saddax bilood oo ku meel gaar loo bixiyo (90 cisho) lagu xadido, 12kii biloodba laba ama saddax maamul ayaa is-beddesha iyadoo weliba laga yaabo in mid hore looga qaaday la soo celiyo .

Maamulka saddax bilood la siiyey, lagana doonayo inuu xalliyo mushilad ta Hiiraan oo kale ah, natiijada laga filo karo iyo Siyaasadda laga leeyahay reer Hiiraanow idinkaa leydinka rabaa inaad fahamtaan, waxna ku qaadataan.

Hiiraan waxuu leeyahay tiro labaata-meeyo kor u dhaafay oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jira, bal is-weydiiya iyana cidda ay u shaqeeyaan kol haddii maamul-takoorkaa lagu hayo ciddii wakiilatay, ogowna  in Wasiirka Arrimaha Guduha ee hadda inuu Hiiraan ka soo jeedo.

Su’aal kale waxay qoorta u surantay, meesha ay ku maqan yihiin iyo waxa mashquuliyey, Dhaqankii,  Aqoon-yahankii,  waxgaradkii, Dhallintii iyo Bulshada reer Hiiraan oo dhan sabata ayan uga dhiidhineyn, jawaab mideysanna ayan uga bixineyn waxa dhacaya.

Reer Hiiraanow, maanta maaha maalin walaal ficiltamo, is-cadaa-wadeysto gaashaan-buuro la kala galo, si loo kala sad-bursado, iyadoo waxii la wada lahaa beylah yihiin.

Qormada dambe, ayaan kaga talo bixin doona xalka iyo meesha uu naga jiro Inshaa’allah.

Nuur Qormadii: Nuur Cilmi Xalane

 warsan54@gmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!