Maamul u sameynta gobollada dhexe oo la sheegay in ay heer-gaba-gabo ah mareyso

by admin | Monday, Jan 12, 2015

Muqdisho : HN :–Guddiga ku howlan maamul u sameynta gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen kulamada wadatashiga ahaa oo ay la qaadanayeen madaxda iyo waxgaradka goboladaasi.

Afhayeenka guddiga maamul u sameynta gobalada dhexe Cumar Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo320x244xIMG_A1A5CB-2C6F06-FE98C3-4BA83B-08A046-C6446F.jpg.pagespeed.ic.W2D-zq6XTL gaba gabeeyeen kulamada wadatashiga ahaa ee la yeelanayeen qeybaha bulshada taasi oo ay uga gon lahaayeen sidii dadka ay ugu qanci lahaayeen maamulka ay qorsheynayaan in gobolada dhexe ay u dhisaan.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ay dhiman yihiin oo kaliya sidii loo dhaqaaqi lahaa islamarkaana loo wajihi lahaa shaqooyinka loo igmaday iyo in dib u hishiisiin loo qabto dadka wada daga gobolada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hirgalinayo nidaamka federaalka, iyadoo hadda meel wanaagsan uu marayo dhismaha maamulka gobolada dhexe oo dowladdu hormuud ay u tahay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!