Maamulka Ahlu Sunna oo Dhuusa-mareeb ka mamnuucay dhawaqa rasaasta

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 21 views

Dhuusa-mareeb : HN :   Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee ka arimiya degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud ayaa ka mamnuucay degmada in si sharci darro ah loogu rido rasaasta.

Faarax Macalin Cali oo taliyaha nabad-galyada maamulka degmada Dhuusa-mareeb ayaa warbaahinta u sheegay in wixii xiligan ka danbeeya degmada laga mamuucay sida uu hadalka u dhigay in si sharci darro ah rasaas loogu dhax rido.

‘’Askarigii si sharci darro ah magaalada ugu dhax riday rasaas talaabo cad oo sharciga waafaqsan ayaa laga qadanayaa, sidoo kalana qofkii lagu arko isaga oo qori ku dhax sita degmada waa lagala wareegayaa qorig xabsi ayuuna muteysanayaa ayuu yiri,’’ Faarax Macalin Cali.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulka uu tira koobi doono dhamaan hay’addaha ka howlgala degmada iyo hub-ka ay heystaan si looga fogaado falal amaan darro keeni kara.

Waa markii ugu horeysay oo amar noocan oo kale ah laga soo saaro deegaannada uu ka taliyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!