Maamulka Ahlu Sunna oo dib u fasaxay Radio Galguduud kadib xayiraad mudo dheer saarneyd

by wadani | Friday, Dec 30, 2016

Dhuusa-mareeb : HN :-Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Wjameeca ayaa dib u fasaxay Radio Galguduud, oo muddo ka badan bil saarneyd xayiraad dhinaca shaqada ah.

Dib u howlgalinta Radio Galgaduud ayaa timid kadib wadahadal  dhexmaray Masuuliyiinta Maamulka G/dhexe iyo Maamulka Radio Galgaduud taasi oo ugu danbeyn keentay in laisku fahmo dib u furitaanka Radio Galgaduud.

Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Barre ayaa sheegay isna in Maamulka Idaacada ay diyaar u yihiin in dhaqan galiyaan wadahadalka labada dhinac dhexmaray si wada shaqeynta u wanaagsanaato.

Ugu danbeyntii, Radio Galgaduud oo ah Idaacadda loogu dhageysi badanyahay Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa waxa durba soo dhaweeyay dib u howlgalkeeda, dhageystayaashii ku xirnaa Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacada.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!