Maamulka Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo heshiis gaaray

by admin | Friday, Aug 7, 2015

Dolow : HN:- Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo ee kasoo horjeeday dhismaha Maamulka Jubbaland iyo Hogaamiyaha Maamulkaasi ayaa heshiis kuwada gaaray Magaalada Dooloow shir kaga socday.

Meel ku dhaw Jiinka Wabiga geed hadhweyn ayuu ka socday shirkaan oo ugu dambeyn maanta lagu heshiiyay in la taageero dhismaha maamulka Jubbaland.

Siyaasiyiinta reer Gedo ee sida adag kaga soo horjeeday dhismaha Maamulka Jubbaland, ayaa cadeeyay maanta inay taageersan yihiin Maamulkaasi.

Waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsan in la taageero Doorashada Jubbaland, qofkii ku soo baxana lala shaqeeyo iyo in Siyaasiyiinta ay muujiyaan tageerada shirkaasi.

DoolowHoray waxaa heshiis u wada gaaray Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale Heshiiskaasi oo ay garwadeen ka aheyd Dowladda Federalka Somalia iyo IGAD, heshiiskaasi ayaa noqday mid aan mira dhalin.

Heshiiskaan maanta ay wada gaareen Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Gedo kasoo jeeda ee Maamulkiisa kasoo horjeeday kolkii hore, hadii uu dhaqangalo taasi macnaheeda waxa ay tahay in Maamulka Jubbaland uu guul ku tilaabsaday.

Dhanka siyaasiyiinta waxaa heshiiska u saxiixay Maxamuud Sayid Aadan, Aw Libaax, Maxamed Kaliil iyo Cabdi Shire , halka dhanka Jubbaland ay u saxiixeen madaxweynaha Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa Jeneraal Fartaag, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Darwiish iyo ku xigeenkiisa Cabdirishiid Janan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!