Maamulka cusub ee gobollka Bay oo si rasmi ah xilka ula wareegay

by Somali | Monday, Mar 4, 2013

27889_NpAdvHover-300x200Baydhabo : HN :   Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay ayna ka qeyb-galeen xubno ka tirsan gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah xilkii loogu wareejiyay mamulka cusub ee gobollka Bay.

 
Waxaa ka qeyb-galay munaasabada xil wareejinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed , wasiirrka difaaca C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi, saraakiil, iyo waxgaradka gobollka Bay.

 
Guddoomiyihii hore ee gobollka Bay C/fitaax Ibraahi Geeseey  ayaa sheegay in uu xilkii guddoomiyaha gobollka sida uu sheegay uu uga tanaasulay guddoomiyaha cusub oo ay dowladda u soo magacaawday, isaga oo intaa ku darray in uu la shaqeyn doono.

 
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobollka Bay Cabdi Aadan Hoosoow xil waraajinta kadib hadalay ayaa u mahad celiyay guddoomiyihii hore, gaar ahaan sida uu sheegay shaqadii adkeyd ee  uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay.

 
‘’Shaqada ugu horeysa ee aan qabanayo waa in aan nabad-galyada wax badan ka qabto, waan uga mahad celinayaa shacabka magaalada Baydhabo sida ay ii soo dhaweeyeen iyo gacanta ayeey ii fidiyeen,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Bay Cabdi Aadan Hoosoow.

 
Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa uga mahd celiyay guddoomiyihii hore C/fitaax Geeseey geesinimada uu sameeyay iyo sida mas’uuliyada ku jirto ee uu xilka u wareejiyay ayuu yiri wasiirka.

 
Xil wareejintan ayaa soo afjareysa muran iyo xiisad in mudo ah ka taagneyd magacaabista maamulka cusub oo uu siweyn uga soo horjeestay guddoomiyihii hore C/fitaax Geeseey.

 
Hiiraan Net.

Like it? Share it!