Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo caawineed dalbanaya

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Jalalaqsi : HN :–Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa codsaday in bulshada laga caawiyo sidii looga haqabtiri lahaa adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi Ibraahim Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada aysan ka jirinJalalaqsi-620x264 adeegyo caafimaad oo dhameystiran, ayna jiraan bililiqo ay kooxda Shabaab u geysteen isbitaalka Degmada oo aan iminka sidii la rabay u shaqeyneynin.

“Wasaaradda caafimaadka ee dowladda waan u gdudbinay xaaladda caafimaad darri ee ka jirta isbitaalka, in aysan jirin dawooyin iyo qalab kale, ayna ka codsadeen in Wasaaraddu ay gacan ka geystaan sidii bulshada looga haqab tiri lahaa dhanka adeegyada caafimaadka” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim Nuur ayaa xusay in dadka ku nool degmada ay maamulka kala shaqeeyaan xaaladaha amni iyo horumar, balse ay jiraan dhibaatooyin ragaadiyay noloshooda oo ay u geysteen kooxda argagixisada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in maamulkooda uu dadaal ugu jiro dib u soo celinta adeegyada bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi Ibraahim Nuur ayaa ugu baaqay Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dhanka beni’aadannimada qaabilsan in ay gacan ka geystaan dib u soo celinta adeegyada caafimaad ee degmada iyo dib u dhiska isbitaalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!