Maamulka Dhuusa-mareeb oo cafiyay dableydii Ahlu Sunna ee ka dagaallantay degmada

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Muqdisho : HN :–Maamulka degmada Dhuusa-mareeb ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay cafiyeen dhalinyarradii ka tirsaneyd Ahlu Sunna ee dhawaan ka dagaallantay gudaha degmada.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb C/raxmaan Geedo-qorow ayaa sheegay in dhammaan shacabka degmada ku nool ay dan ugu jirto nabadda, ayna kawada shaqeeyaan sidii ay nabadaglyo ugu noolaan lahaayeen, deegaanada diriska ahna si nabadi ku jirto ay ugula noolaan lahaayeen.

“Waxaa jira dad walaalaheen ah oo markii dhibku dhacay dibadda uga baxay degmada, haddana waxaan caddeynayaa in qof walba oo khilaafkaas qayb ka qaatay inuu cafis yahay wax loo haystana aysan jirin… waayo waxaan u aragnaa in qof walba uu is lahaa wax sax,” ayuu yiri Geedo-qorow.

Sidoo kale, guddoomiyaha Dhuuso-mareeb ayaa sheegay in dadkii baxay ay magaaladan tahay magaaladoodii, wax dhibaato aysan jirin,Ahlu-suna isagoo kula taliyay inay ka qaybqaataan nabadeynta iyo xasilinta magaalada.

“Dhammaan shacabka, odayaasha dhaqanka, ururrada haweenka, culumada, dhallinyarada iyo ganacsatada waa inaan isku xirnaano oo aan ka wada shaqeynno amniga, waayo qof dan ayaa ugu jirta amniga,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha deggmada Dhuuso-mareeb.

Ugu dambeyn, wuxuu ku celiyay guddoomiyaha dowladda Somalia ee degmada Dhuuso-mareeb in xoogaggii dagaallada ka qaybgalay ay dib ugu soo laaban karaan degmada kuwaasoo uu ula jeeday Ahlusunna, wuxuuna ku daray hadalkiisa in magaaladani ay tahay magaaladoodii.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaallo u dhexeeya xoogag kala taabacsan dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!