Maamulka Galmudug oo amray diyaaradaha in ay ka soo degaan garoonka OSHACA

by admin | Friday, Nov 13, 2015

Cadaado : HN :–Maamulka Galmudug ayaa ku amartay diyaaradaha in ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha OSHACA, kaa soo dhowaan laga hir-geliyay duuleedka koofureed magaalada Galkacyo.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duuliska Hawada ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa digniin loogu jeediyay diyaaradaha ka shaqeeya deegaanada Galmudug inay duulimaad ka sameeyaan garoonka diyaaradaha cusub ee OSHACA ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirrada_Maamulka_Galmudug_660Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Hawada C/kariin Macalin Axmed ayaa sheegay in gabi ahaanba kala laaban doonaan ruqsada diyaardii aan ka soo degan garoonka diyaaradaha  OSHACA oo ah garoon uu maamulka gaar u leeyahay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah amar horay uga soo baxay Puntland oo ahaa diyaaradaha ay ruqsada siisay inay ka soo degi karin garoonka diyaaradaha ee Galmudug, waxaana dhowaan ay ruqsada kala laabatay diyaarad k degtay garoonka OSHACA, taasoo u kireysneyd Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!