Maamulka Galmudug oo dhinacooda sheegay in ay u hogaansamayaan xabad joojinta lagu baaqay

by admin | Tuesday, Nov 24, 2015

Gaalkacyo : HN :–Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Galmudug ayaa sheegay in dhinacooda soo dhaweynayaan dadaalada nabadeed ee ay wadaan Odayaasha iyo ganacsatada deegaanka, iyadoo cadeysay inay dhaqan gelineyso heshiiskii xabad joojinta ahaa ee shalay looga dhawaaqay Gaalkacyo.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay in dagaalkii 22-kii bishan ka dhacay Gaalkacyo uu ahaa daan daansi cad oo Puntland ku dooneysay inay ku wiiqdo nabadgelyada iyo horumarka Galmudug.

Hadaba war saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug halkan hoose ka akhriso:-galmudug

WAR SAXAAFADEED: U HOGGAANSAMID GO’AANKA ERGADA NABADDA

Dowlad-Gobaleedka Galmudug waxay caddaynaysaa in ay si buuxda u taageersantahay waan waanta ay wadaan odayaasha iyo ganacsatada deegaanka. Waxay sidoo kale caddaynaysaa falkii dhacay 22nd Nov, 2015 oo ay Puntland kusoo weerartay Saldhiga Booliska Dowlad-Gobaleedka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo in uu ahaa daan-daansi cad oo ujeedkiisu aheyd wiiqidda nabadgelyada iyo horumarka Galmudug, gaar ahaan, dadaallada socda sida; la wareegidda hubka, nidaaminta maleeshiyo-beeleedyada, daa dajinta maamulka iyo isu diyaarinta ka saaridda Shabaab dhammaan deegaannada Galmudug.
Galmudug waxay mar kale u caddaynaysaa umaada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkaa iyo Beesha Caalamka mabaadii’deeda asaasigaa oo ah:

1) Nabad-ku-wada noolaasho

2) Xoojinta Xiriirka Dowlad-Gobaleedyada deriska la ah Galmudug

3) Adkaynta midnimada ummadda iyo dhawridda Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

Ayadoo laga ambaqaadayo, mabaadii’dan kor ku xusan, ayaan si rasmi ah u shaacinaynaa:

1. Dhab-u-taageeridda dadaallada ay wadaan odayaasha, ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka.

2. Ayididda dhammaan qodobadii ay ku heshiiyeen odayaasha, ganacsatada iyo wax garadka waan waanta wada.

3. In aan dhaqan galinay dhankayaga, qodobada hordhaca u ah heshiiska odayaashu gaareen oo ah:

I. Xabbad-joojin

II. Ku-celinta ciidamada barahoodii hore iyo

III. Ka wada hadlidda wixii keenay dagaalka

Walow aan u hoggaansannay dhankayaga soojeedinta dadka samaha jecel, waxaan la soconaa in Puntland ay u durbaan tumayso dhiillo colaadeed, kuna soo daabulayso magaalada Gaalkacyo hub iyo ciidan. taasoo natiijada ka dhalata ay dhabarka u ridandoonto.

Waxaan ka digeynaa wax kasta oo xagal-daacin kara horumarka guud ee dalku ku taamayo, sida la dagaallanka shabaab iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya 2016 ka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!